Idaacadda Barkulan oo hawada ka baxday

by admin | Monday, Oct 10, 2016 | 255 views

Idaacadda Barkulan oo aheyd Warbaahin inta badan Soomaaliya si weyn looga dhegeysto ayaa Shaaciyey inay joojisay Barnaamijyadii iyo Wararkii ay sii deyn jirtay.

Wargelin lagu soo daabacay Bogga Idaacadda ayaa lagu sheegay inuu istaagay Jadwalkii Maalin laha ahaa ee Idaacadda Barkulan, Isbeddelka shaqo ee ku yimid Darteed.

Barkulan ma shaaciyey Sababta Rasmiga ah ee ay u joojisay Barnaamijyadii iyo Wararkii ay sii deyn jirtay, Balse Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya  in idaacadda oo ay maalgeliyaan hay’ado hoos taga Qaramada Midoobay looga baqay ku dhex milanto xilliga kala guurka ah.

Idaacadda Bar-kulan waxay xarunteeda dhexe ku taallaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ka howlgala wariyeyaal Soomaaliyeed, iyadoo dhanka farsamada ay ku jiraan kuwo ajaaniib ah.

Bar-kulan ayaa baahin jirtay wararka u badan kuwa lagu taageerayo nabadda, laguna diidan yahay Xarakada Al-shabaab, waxay xarun weyn ku lahaan jirtay magaalada Muqdisho, hase ahaatee Sanad kahor ayeey kala dirtay inta badan shaqaalaheedii Muqdisho.

Inkastoo loo maamulka ay sheegayaan in dib ay shaqadooda ka billaabi doonaan hadane waxaa laga yaabaa in uu ka dhammaaday Qarashkii lagu wadayey idaacadda iyo maalgelinteeda, waxaana sanadkii 2014-2015 ka go’ay qarashka taasi oo keentay in shaqaalaha la kala dhimo.

Like it? Share it!