Howlgalo dad badan lagu soo qabtay oo ka dhacay Jowhar

by Hassan Ali | Monday, Jan 23, 2017 | 139 views

23,January,2017(SofoNews) Warar xog ogaal ah oo ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegey in Tan iyo markii ladilay taliyihiin ciidanka booliska qeybta gobolka SHabeelaha Dhexe ay soconayay baadi goob loogu jiro dadkii dilkaasi geystay.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa Maanta Howlgallo balaaran  ka sameeyay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar,waxaana Howlgalka lagu soo qab qabtay Tiro Dad ah.

Taliyaha Saldhiga Degmada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgalka Maanta lagu  soo qab qabtay Dad lala Xariirinayo Dilkii loogeystay  Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ayaa Maanta Howlgallo ka sameeyay Degaanno u dhaw dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle,iyadoo halkaasna lagu soo qab qabtay Tiro dad ah.

Majiraan ialaa iyo haatan wax war ah ka soo baxay saraakiisha iyo maamulka gobolka oo ku aadan howlgaladaasi.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response