Howlgal gaar ah oo laga fuliyay Ceelasha Biyaha iyo 155 qof oo la xabisay

by admin | Friday, Jun 5, 2015 | 357 views

CeelashaBiyaha, 5 June 2015 – Howlgal  ay fuliyeen ciidamada dowladda ee loo yaqaano Alpha oo ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo qabtay gaaraya 155 oo deegaanka degan.

Howgalka oo billowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gebageboobay waaberigii saaka,  iyadoo ciidamadu ay mid mid u baarayeen guryaha deegaankaasi. Dadka la soo qabtay qaarkood ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Howlgalka waxaa uu imaanayaa xilli dowladda ay la daalaceyso xaaladaha amni qaarkamid ah deegaanada ay maamusho.

SOFO News 

Like it? Share it!