Hoos u dhac kuyimid kala iibsiga xoolaha nool ee Soomaaliya

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 147 views

21,January,2017(SofoNews) Xaaladaha caafimaadd ee xoolaha laga dhoofin jiray Soomaaliya oo aad u liidata ayaa saameyn xoogani ku yeelatay suuqyadii loo iibgeyn jiray xoolahaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo Xoolo ay leeyihiin u iib geeyeey dalka Sucuudiga sanadkan ayaa lagu soo celiyay Dakada Muqdisho, taasi oo noqotay hadal haynta ugu badan ee Soomaaliya.
Xoolahaan oo u badan L’O ayaa daba yaaqadii sanadkii 2016 loo iib geeyay dalka Sacuudi Carabiya waxaan dib loo soo celiyaay dhawan taasi oo loo aanaynayo tayo yeri dhanka caafimaadka ah.
Dhibaatadaan oo ka dhalatay cunto la’aan heysatay xoolahaan mudo dheer oo ay saarnaayeen markab dushiisa taas oo sababtay in ay ka muuqato macluul aad u daran. Xoolahaan oo tiradoodo aad u badantahay ayaa ku kala sugan dakada Muqdisho & xero ku taalo KM13.
Suuqyada xoolaha lagu kala iibsado ee gobolada dalka ayaa noqday kuwo qiimohooda uu hoos u dhac balaaran laga dareemayo, kadib markii hakad uu ku yimid xoolihii loo iib geyn jiray dalka dibaddiisa.

 

Like it? Share it!

Leave A Response