Hogaamiyasha Soomaalida iyo Imaaraadka carabta oo isku qilaafay siyaasadda doorashooyinka

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 1, 2016 | 167 views

1,November,2016(SofoNews) Wararka laga helayo Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in la soo gaba-gabeeyay Kulamo qarsoodi ahaa ee ka soconayay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ee ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Juballand, ayna sidoo kale ka qeyb noqdeen Madax, diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkaasi oo aan magacyadooda la shaacin.

Waxaa warara soo baxaya ay sheegayaan in is af garan waa uu ku dhamaaday kulankaasi oo mudo 4 maalmood ah aqaatay ayadoo la isku mariyaay arrimaha siyaasadda iyo shaqsiyaad si gaar ah ay u wataan Imaaraadka Carabta.

Macadda shaqsiyaadkaasi balse waxaa la hadala hayaa raiisul wasaare cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo u ololaynaya Safiirka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan .

Danjiraha Imaaraadka oo soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin magacyada taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee u tartamaya Golaha Shacabka ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in dadka tilmaaman ka xanibo helidda xubinnimda baarlamaanka, waxaana shakhsiyaadkaasi laga xusi karaa Faarax Sheekh  C/qaadir , Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo kuwa kale.

Imaaraadka Carabta oo dano dhaqaalle , mid siyaasadeed iyo mid ammaan ka raadsanaya Soomaaliya , si uu u fuliyo mashruuca Shirkadda DP World ay kula heshiisay Maamulka Somaliland ee maamulidda iyo horumarinta dekadda Berbera uu quud-dareynayo inuu rajo dilo musharixiin u loolamaya Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya , kuwaasi oo uu u arko kuwa hor istaagi kara damaciisa.

 

Like it? Share it!

Leave A Response