Hogaamiyaha Daacish oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Turkey iyo Saudi Arabia

by admin | Saturday, Nov 5, 2016 | 226 views

 

5 Nov 2016 (SofoNews) – Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay iyadu ka dambeysay weerar loo adeegsaday gaari qarax laga buuxiyay oo ka dhacay meel ku taalla Koonfurta Bari ee dalkaasi sida ay sheegeen xubno wax indha indheeya ee fadhigoodu yahay Mareykanka.

Gaariga qarxay ayaa la dhigay meel u dhow afaafka hore ee xarun Police oo ku taalla Diyarbakir ee Turkey, waxaana ku geeriyooday sida warku uu sheegayo 9 ruux.

Cod la soo duubay oo la baahiyay goor hore oo usbuucan ah ayaa hogaamiyaha ISIL Abu Bakr Al-baghdadi ayaa waxaa uu soo hadlay markii ugu horeysay ku dhowaad sanad uu aamusnaa waxaana uu markan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Turkey iyo Sacuudi Carabiya isaga oo dhanka kale ku dardaarmay xooggaga ku dagaalamaya Ciraaq in ay xoojiyaan a woodooda ee Mosul.

Ankara has troops stationed at a base just outside Mosul and Turkish President Recep Tayyip Erdogan’s escalating rhetoric has raised fears of an expanded Turkish military intervention in Iraq.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay macquul tahay ballaarinta awoodeeda gudaha Ciraaq iyada oo ciidamadeeda ay ku suganyihiin meel aan sidaa uga fogeyn Mosul.

Like it? Share it!

Leave A Response