Hogaamiyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug oo gaalkacyo gaaray

by Hassan Ali | Friday, Nov 11, 2016 | 155 views

11,November,2016(S0foNews) Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada  Galmudug, iyo Puntland  C/kariin Xuseen Guuleed, iyo C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxdan ayaa halkaasi u tegey si loo sii amabaqaado wada xaajood ay Saddex Cisho ka hor ku yeesheen labada maamul   kaasoo ku aaddanaa soo Afjaridda Colaadda ka aloosan Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay Magaalada Gaalkacyo gaaraan dhowaan masuuliyiin ka kala socota Dowladda Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo Maamul Goboleedyada Dalka qaarkood, kuwaasoo garwadeen ka noqon doono wada xaajoodka Labada dhinac.

Labada hoggaamiye Guuleed iyo Gaas, oo haatan ku kala sugan Woqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda lagu kulansiiyo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Magalaad Gaalkacyo eexarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dagaalo xoogan oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ayadoo dad aad u fara badan ay halkaasi ka barakeceen.

Waxaa dhowr jeer bur burey heshiisyo nabadeed oo ku aadanaa soo afjarista colaadahaasi ayadoo ay barbar soconayeen baaqyo nabadeed oo ka kala imaanayayay qeybaha kaladuwan ee bulshada

 

Like it? Share it!

Leave A Response