Hir-Shabeele oo dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbisay xildhibana ka soo jeeda deegaanadaasi

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 102 views

1,May,2017(SofoNews) Mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Hir-Shabeele  ayaa qoraal cabasho ah oo ka dhan dowlada federalka Soomaaliya u gudbisay Senatada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi uu kataliyo .

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa lagu sheegay in dowlada federalka ay ka hortaagan tahay maamulka Hirshabeele inuu furto dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ku yaal Hirshabeelle.

Senatarada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa laga codsaday inay u istaagaan furitaanka ilaha dhaqaale iyo horumarinta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

qoraal-hirsh-e1493639457184

Like it? Share it!