Hilary Clinton oo xarig loogu hanjabay

by Hassan Ali | Monday, Oct 10, 2016 | 162 views

10,October,2016(SofoNews) Tartanka dooda qabashada xilka madaxtinimo ee Mareykanka ayaa weli socota ayadoo Donald Trump uu wacad ku maray inuu xiri doono Hillary Clinton hadii uu ku guulaysato ololaha Tartanka jagada Madaxweynaha Maraykanka oo dhici doonto bisha November ee Sanadakan.

Labada musharax  oo ka kala socoda Xisbiyada Jamhuuriga iyo kan Dimoqoraadiga Donald Trump  iyo  Hillary Clinton  ayaa Doodii Xalay  dhex martay ayuu Trump ku eedayay Clinton  waxa uu ku tilmaamay asluub xumidda ay ugala dhaqanto Haweenka.

Wuxuu intaa raaciyay Marka uu ku firiisto kuriga aqalka cad ee Mareykanka uu si deg deg ah u magacabi doono  xeer ilaaliye baara ama dembi ku soo ooga Hillary Clinton Emailadeeda Xiligii ay aheyd Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Mareykanka intii u dhaxeysay Sanadihii 2009-2013 kii.

Shacabka Mareykanka ayaa ka dhursugaya cidda ku guuleysan doonta hogaanka madaxtinimo ee dalkaasi

 

Like it? Share it!

Leave A Response