Hiiraan: Al-shabaab oo la wareegay deegaan ay faarujiyeen Ciidamada Itoobiya

by admin | Tuesday, Oct 11, 2016 | 181 views

11, Oct 2016 (SofoNews) – Wararka ka imaanaya Degaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan waxay ku waramayaan in dagaalyahanno katirsan al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cali ee Hiiraan.

Al-shabaab ayaa durbadiiba marka ay la wareegeen deegaanka waxay ka taageen calankooda, iyaga oo bilaabay in ay saldhigyo ka sameystaan xarumo muhiim ah.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay jirto cabsi iyo wal wal soo wajahay shicibka gaar ahaan ganacsatadii xiriirka la lahayd ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo saldhigga ku lahaa ceel-cali ee Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response