Hay’adaha caalamiga ah oo ka walacsan abarta kajirta Soomaaliya

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 135 views

4,March,2017(SofoNews) Ayadoo ay sii kordhayaan abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya, ayaa hay’adaha caalamiga ah waxay walaac kamuujinayaan dhibaatooyinka ka dhalankara saameynta macluusha.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa dalbaday 24.6 milyan oo doolar-ka Maraykanka ah Si wax looga qabto abaaraha sii fidaaya ee Soomaaliya ka jira.
Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay boqolaal Milyan oo dollar in la helo si wax looga qabto Abaaraha ka jira Geeska Afrika.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in aan indhaha laga qarsan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhacaya Soomaaliya ee ay sababeen abaaraha.
Afhayeenla ayaa wuxuu sheegey in Lacagtaan hadda ay dalbanayso IOM loogu tala galay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale Nafaqa darada ka jirta Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in loo baahan yahay in si deg deg ah sare loogu qaado gurmadka.
Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa kajira abaaro iyomacluul daran oo saameeyey nolosha dadka iyo duunyada, waxaana soo wehliya cudurka shuban biyoodka oo dad badan ay ugu geeriyoodeen deegaano katirsan gobolada dalka

Like it? Share it!

Leave A Response