Haweeneydii ugu horeysay oo garsoore muslim ah ka noqota Mareykanka oo meydkeeda laga heley webi

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 92 views

13,april,2017(SofoNews) Dalka Mareykanaka ayaa waxaa webiga dhexdiisa laga heley Haweeneydii ugu horeesay oo Muslim ah kana mid noqota garsoorayaasha sare ee dalka Mareykanka webigaasi oo mara magaaladda New York ee dalkaasi .

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Sheila Abdus-Salaam oo 65-sano jir aheyd ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo Muslim ah oo garsoore ka noqota dalka Mareykanka, ayadoo maxakamad kutaala halkaasi ka ahayd garsoore.


Ciidamada booliiska ayaa lagu war galiyay in meydka haweeneydan uu dul sabeenayo wabiga Hudson, waxa ayna ciidamada booliiska halkaasi kasoo qaadeyn meydka haweeneydan kamid aheed garsoorayaasha Mareykanka.

Ilo wareegyo laga heley booliiska magaalada New York ayaa lagu sheegay in meydka Garsoore Sheila Abdus-Salaam uusan ka muuqan wax dhaawacyo ah, waxa ayna wadaan ciidamada booliiska baaritaano ku aadan sababta keentay geerideeda.

Seyga Haweeneydan meydkeeda la helay oo lagu magacabao Gregory Jacobs ayaa Warbaahinta u sheegay in ay la’aayeen tan iyo talaadadii, waxa uuna tilmaamay in lagu soo war galiyay in meydkeeda laga helay wabiga Hudson.

Sheila Abdus-Salaam ayaa noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee Muslim madow ah oo loo magacaabo in garsoore noqoto, waxay Garsoore ka aheed Maxkamadda Sare ee Manhattan muddo 14-sanno.

 

Like it? Share it!

Leave A Response