Haweeney Ameericaana h oo maxakamad loo soo taagay dhacdo layaab ku noqotay dunida

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 175 views

13,April,2017(SofoNews) Maxakamada kutaala dalka Mareykanka ayaa la soo taagay Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay kufsatay taksiile ka hor inta aysan lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo wehliyay.

Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo qasab ah la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay inay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay.

Booliiska ayaa sheegay in aysan ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.”Maadaama oo ay dhici rabeen waxaa laga yaabaa inay ka ahayd dareenkiisa iney jeediyaan” ayuu yi Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Falkan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab, Waxaana la soo xiray markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska.

Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac, iyadoo ninkii la socday ee Jackson ahaa sida ay booliisku sheegeen weli la baadi goobayo wuxuuna ku eedeysan yahay inuu gacan ka geystay dhac iyo kufsi.

 

 

Like it? Share it!