Haweenaydii Kenyanka ahayd oo dhawaan laga soo bad baadiyaya Shabaab oo qoyskeedii dib ula midowday

by Hassan Ali | Thursday, Nov 3, 2016 | 184 views

3,November,2016(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo magaalaad Nairoobi ayaa sheegayaa in Haweeneeydii Kenyaanka aheyd Loise Njoki ay mar kale dib ula midoowday Qoyskeedii, kadib markii muddo laba sano ah ay koox burcad badeed ahi ku haysteen Bartamaha Soomaaliya.

Mrs: Loise Njoki ayaa farxad la ooyday kadib markii ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan ee Magaalada Nairobe ku aragtay xubno ka tirsan Qoyskeeda oo ay ka mid aheyd Gabadheeda, iyadoo sheegtay in ay maanta aad u faraxsan tahay, maadamaama ay mar kale qoyskeeda la noolaaneeyso.

Waxaa xoog ku soo furtay Haweeneeydaasi Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA, qeybtooda ku sugan Maamulka Galmudug, waxaana lagu haystay muddo ka badan laba sanadood deegaanno ka tirsan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Like it? Share it!