Hardanka Dumarka la galiyay ma lagu macaashay. (Sheeko-Sheeko)

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015 | 771 views

dhaqanka soomaliyeed waxaa ku soo badanaayo dhaqan doorin laga soo min guuriyay waxa loogu yeero reer galbeedka. soomaliya waxaad ku arkeysaa dumar leh waxaan qabaneynaa oo caruurtoodi soo dayacaya iyo kuwa guurkaba ka caajisay inteey ku jireen hardankaan la isku lifaaqayo waxa uu alle u abuuray ragg iyo dumar, qaar badan oo ka mid ah dumarka qurbaha ka yimid waxaa ka dhex guuxaya fikir aysan asal ahaan ayagu laheen oo lagaga soo muday meelaha ay ka imadeen, dhibta ugu badan waxey ka jirtaa kuwa dal joog ah oo daba ceersanaayo kuwaas soo dhaqan badlmay hadana aan waxba kala socon habaabka ay ku jiraan dumarkaan leh waxaan badaleynaa iyo inaagaa ku wanaagsan hogaanka umada, cajiib xageed ku aragtay ama ay ka jirtaa gabar dad hogaamisay oo lagu macaashay. waligaa maragtay nin gurigiisa duminaayo oo ku leh guri baan dhisayaa,, waa caqliga dumarka shaararka xiran ee aan ayaga iyo ragaba lakala aqoon ay inagu dirqinayaan, gabar ku leh umad baan dhisayaa oo dal baan wax u qbanayaa oo caruurteeda soo dayacday ama booyaaso u heyso ayaa rabto ineey 15 million dhahdo wadada saxda ah ayaan marinayaa,, duca qabto afartaan aad dhashay horta soo saar iyaga ka dhig ragii waxqaban lahaay ayagaa waajib kaa saaran yahay inta aadan u gudbin kuwa kale oo badan oo horay loogu maara wayay,, hadaad leedahay waan isku qaban karaa waxa dhana waa kaaf iyo kala dheeri, waa adigoo dhahay anigaa dhaqtar ah anigana cudurki ah hadaad intaan hagaajiso ayse gurigaga ka soo baxan dad qalato aad adiga dhashay oo wayay tarbiyadi iyo wadadii saxda ahaay waa arin is sidata,, waxaa haboon hooyada soomaliyeed ineey ka adkaato gurigeeda oo ay soo saarto caruur dalka wax u qbaan karo, adigoon wax qabadka ka fiirin inaad xafiis soo dhex istagtaa horta baro goormeed wax qaban kartaa yaad u qaban kartaa sideed u qaban kartaa yaad u qabanyesaa maxaad wax u qabaneysaa intaas soo kala saar,,, dig digta iyo dadaalka aad ku jirtaa haduu yahahy in umadi hagaagto waa inaad koow ka bilaawdaa caruurtaada oo aad ayaga soo tarbiyeeysaa si ay dallka iyo dadka wax ugu qbataan, hadaad boqol nin aad maanta u tababarto wanaga oo hal canug aad dhashay kaa halaabo intaad boqolkaas ku sii jeeday sheekado waa 100 ka jar 99 waa 1.

 

W/QCismad Aynte

Like it? Share it!