Hadal haynta bulshada iyo magacaabista ra’iisul wasaaraha

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 91 views

23,February,2017(SofoNews) Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan CAli Kheyre oo ay u dhacday qaab aan la filaynin ayaa dhalisay hadal hayn badan oo ku aadan magacaabista xilkaasi oo ah xilka ugu weyn golaha fulinta.
Waxaa xusid mudan in aysan jirin cid heysay xog ku saabsan magacaabista R/Wsaaaraha Soomaaliya iyo Shakhsiga loo magacaabi doono, waxaana suuqa ku jiray magacyada siyaasiyiin kale oo damac kaga jiray xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.
Muqdisho ayaa saakay hadal heynta ugu badan ay tahay magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana qof kasta oo maqla in la magacaabay R/Wasaare su”aasha koobaad uu dadka weediinayo ay aheed waa qabiilkee ninka la magacabay.
Max’ed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay go’aan deg deg ah oo uu kusoo xushay shakhsiga uu ku aamini karo xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaasi nasiib u yeeshay in loo magacaabo Xasan Cali Kheyre oo ah nin dhalinyaro ah oo sumcad badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed.
Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay in Madaxweyne Farmaajo uu soo xushay shakhsi mudan xilka loo magacabay kana soo bixi kara, waxa ayna shacabku aadau taageereen in Madaxweynaha uusan qabiil kusoo xulan R/Wasaaraha balse karti iyo aqoon kusoo xushay.
Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ah nin dhalinyaro ah oon siyaasada horey ugu dhax jirin, waxa uuna sanado badan madax ka ahaa Hay’ada NRC , waxa uu sidoo kale kamid ahaa Madaxda Shirkada Som Gas and Oil, waana nin khibrad iyo aqoon badan leh.

Like it? Share it!

Leave A Response