Gudoomiye Maxkamadeed oo lagu dilay Muqdisho 

by admin | Wednesday, Nov 11, 2015 | 408 views

November 11 (SOFO NEWS) – Dadka deegaanka aya kuwaramay in gudoomiyaha maxkamadda ay dileen kooxo hubeysan xilli uu ku sii wajahnaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay kaddib salaaddii cishaha, waxaana wararku ay sheegayaan in uu ka soo laabtay masjid uu salaadda cishaha ku soo tukaday.

Lama oga sababta ka dambeysa weerrarka lagu dilay gudoomiyihii maxkamadda Dharkinley ee dowladda federaalka hasee yeeshee kooxda al-Shabaab ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa xubnaha u shaqeya dowladda.

Gudoomiyaha la dilay ayaa sidoo kale kamid ahaa garsoorayaasha maxkamadda Gobolka Banaadur.

Like it? Share it!