Gudigga Doorashada Dalka oo war cusub ka soo saaray Xaaladaha Gaalkacyo

by admin | Friday, Oct 28, 2016 | 137 views

28 Oct 2016 (SofoNews) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban  Ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhagey ayaa ku baaq in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Abuukaate Cumar dhageey ayaa hoosta ka Xariiqay in Dagaalka Gaalkacyo uu keeni karo Dib u dhac ku yimaada Doorashada uu dalku isku diyaarinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban  ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeyaan Sidii Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ay u heli lahaayeen Nabad iyo Degenaan.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Dagaal soconayay Mudo bil ah,waxaana Magaalada ka Barakacay Dadkii Degenaa,iyadoo ay Magaalada ku harsan yihiin Dad Fara ku tiris ah.

Ma jirto weli wax waan-waan ah oo laga dhex wado Maamulada Puntland iyo Galmudug si dagaalka loo joojiyo,hasa yeeeshee waxaa jira Baaqyo Nabadeed oo qalabka warbaahinta loo Marinayo Labada Maamul in ay Dagaalka Joojiyan.

Like it? Share it!

Leave A Response