Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne oo geeriyooday

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 147 views

8,February,2017(SofoNews) Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee  Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Ibraahim Gardhuub.

Ilo wareedyo ku dhow dhow guddoomiyaha ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyeey uu aad u xanuunsanayay wuxuuna xalay ku geeriyooday mid kamid ah isbitaalada magaalaad Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay isla markaana Xalay uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale Waxaa Wararku ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu Wadnahu Istaagay sidaana uu ku dhintay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalaad Muqdisho ayaa Ka Tacsiyeeyey Geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Weyne C/llahi Sahal Gardhuub, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo waxaana lagu wadaa in manta lagu aaso magaalaad Muqdisho.

Like it? Share it!