Guddoomiye Taabid oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 143 views

13,April,2017(SofoNews) Waxaa manta magaalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyadoo si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweyeay Guddoomiyaha cusub garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Mr Taabid Cabdi ayaa caawa lagu wadaa in Muqdisho loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah, iyadoo maalinta Sabtida ee soo socotana uu xilka la wareegayo.

Guddi ka shaqeynaya xil wareejinta iyo qaban qaabadeeda ayaa ku howlan diyaarinta xaflada ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.

Taabid Cabdi ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, qeybna ka ahaa ololihiisa doorashada, waxaa uu sidoo kale uu ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo gacan yare u ahaa Farmaajo, markii uu xilka Madaxweynaha ku guuleystay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response