Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee aqalka sare ee Soomaaliya oo gudoonka baarlamanka Finland lakulmay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 120 views

8,March,2017(SofoNews) Kulan kaan oo ahaa mid ay wada qaateen gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya Mowliid xuseen Guhaad iyo Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Finland Maria Lohela oo ay wehliyeen xubno katirsan baarlamaan ka dalka Finland iyo madax ka socotay wasaarada arimaha dibada Finland ayaa looga hadlay xaaladaha dhaqan iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee Somalia iyo Finland.
Kulanka gudoomiye Guhaad waxaa dhankiisa ku wehliyay Gudoomiyaha Ururka midnimada Soomaaliyeed ee Suomen Somaliliito Carshe Said,Gudoomiyaha Jaaliyadda magaalada Vaanta Xuseen Absuge Aarow iyo xildhibaanka golaha deegaanka dagmada Vaanta Faysal Abdi.
Mowliid Xuseen Guhaad Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee aqalka Sare Soomaaliya ayaa ugu horeynba u gudbiyay Maria lohela gudoomiyaha Baarlamaanka Finland salaan diiran oo uu ka siday gudoon labada aqal ee golaha shacab iyo aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya .
Mas,uuliyiinta labada dhinac ayaa intaasi kadib waxa ay kawada hadleen arimo farabadan oo ay kamid yihiin xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Finland iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeyn dhexmarta.
Xaalada abaareed ee maanta ka jirta Soomaaliya ayuu gudoomiyuhu sheegay in ay meel adag oo qatar ah marayso loona baahan yahay baahan yahay in dowladda Filnland ay u soo gurmato sidii loo badbaadin lahaa shacabka ah ee Soomalaiyeed ee abaaruhu ku dhufteen.
Arimaha dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee aan wali sharciyada helin ee ku sugan Finland ayuu gudoomiyhu kala hadlay waxayna u sheegeen in ay codsigiisa u gudbin doonaan laamahan iyo madaxda ay quseyso ilgooni ahna lagu eegi doono.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Deeqaha lasiiyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa laguna gaarsiin lahaa wadiiqada ugu haboon uguna dhaqsiyaha bada.
Gabagabadii kulanka Gudoomiyaha baarlamaan Finland Maria Lohla waxay balan qaday in xiriir wanaagsan ay la yeelan doonaan baarlamaan Soomaaliya isla markaana ay wadaagi doonaan casuumaado una fidin doonaan tababaro la xariira kor u qaadida howlaha shaqo ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhankalae Gdoomiyuhu waxa uu kulan gaar ah la qaatay xildhibaan Pekka Haavisto oo uu kala hadlay arimaha dib u heesiinta iyo Shaqa abuurista dhalinyara Soomaaliyeed maadaama uu yahay qabiir ku yahay arimaha ayadoo mas,uuliyiinta dalka Finland ay balanqaadeen is garab taaga shacabka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response