Guddoomiye Jawaari oo kormeerey xarunta caleema saarka

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 110 views

21,February,2017(SofoNews) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”waxaa ku wehliyey kormeerka uu ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la doortay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana ay u kuur galayeen qaabka loogu diyaar garoobay Munaasabadda Caleema Saarka.
Intii ay ku sugnaayeen Guddoonka Golaha Shacabka hoolka ay ka dhaceyso Munaasabadda Caleema Saarka waxa ay warbixinno ka dhageysteen xubnaha guddiga qaban qaabada Munaasabadda oo ah guddi ka kooban Wasiirro,Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), sidoo kalena waxaa goobtaasi lagu diyaarinayey qaabka masrixiyadda loosoo bandhigayo suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah, isla goobta ayeyna sidoo kale kulan kula qaateen saraakiisha ammaanka iyo guddiga.
Qaban qaabada iyo diyaar garowgeenna waa mid heerkiisu sareeyo maalmahan oo dhanna waxaan u shaqeynay si joogta ah ayuu u sheegay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).
Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waa madaxweynihii labaad ee lagu doorto laguna caleemo saaro dalka gudihiisa bur burkii kadib waxaana caleema Saarka kasoo qeybgali doono Madaxweyneyaasha dalalka Qaaradda Afrika qaarkood haba ugu horeeyaanee Madaxda gobolka.
Amaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyeey waxaana la arkayaya ciidamobadan oo la dhigay waddooyinka Muqdisho kuwaasi oo loogu talagalay in ay sugaan amniga

Like it? Share it!

Leave A Response