Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Shabeelaha Dhexe

by Hassan Ali | Monday, Feb 20, 2017 | 116 views

20,February,2017(SofoNews) Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayuu ku Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana uu u Magacaabay Axmed Meyre Makaraan oo horay u ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabsullaahi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi ddoono golihiisa wasiirada xiliyada soo socoda.
Illaa Labo Jeer ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid soo Magacaabista Golaha wasiiradda Maamulka Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa haatan u muuqda mid cadaadis saaran maadaama uu yahay maamulka qur oo aan weli dhameystirneyn.
Guddoomiyaha gobolka waxaa horey u ahaa Cali Guudlaawa kasi oo noqday madaxweyne kuxigeen.

Like it? Share it!

Leave A Response