Guddoomiyaha maxakmadda sare Soomaaliya oo Suudaan uga qeybgalay shir dalkaasi ka dhacay

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 56 views

3,March,2017(SofoNews) Shirkan oo uu furay madaxweenaha dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir ayaa ahaa shirkii koowaad ee gudoomiyaasha maxkamadda sare gudoomiyaasha garsoorka ee wadamadda Africa kaasi oo ay martigelisay dowladda Suudaan.
Waxaa shirkaasi ka qeybgaklat wadamada Africa badankooda ayadoo dowladda Soomaaliya u matalayay gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo Saalax Sheekh Ibraahim dhiblaawe gudoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir
Shirka oo ahaa mid ka koobnaa laba qeybood ayaa qeybta hore ahayd mid furitaan ah balse qeebtiisa labaad marka laysugu soo noqday waxaa looga hadlay waxyaabaha lagu xalin karo khilaafadka bulshada soo kala dhaxgala kana baxsan habka garsoorka sida uu warbaahintaqqaranka u sheegay gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane ibraahim iidle sulaymaan
Dhanka kale gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa booqday bandhigga waxqabadka garsoorka suudaan isagoo tibaaxay in uu indhihiisa ku soo arkay waxyaabo layaab leh taa oo ah diiwaanka dhulka ee suudan 1928 ilaa iyo iminka in lahayo arimahaasi mar uu ka hadlaayana waxa hadaladiisii ka mid aha
Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex maalmood ah islamarkaana uu ku egyahay maalinimada talaadada ah ee inagu soo food leh haduu alle idmo.

DSC02163 DSC02164 DSC02180 DSC02189 DSC02190 DSC02195 DSC02196

Like it? Share it!

Leave A Response