Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo Muqdisho ku soo wajahan

by Hassan Ali | Thursday, Apr 13, 2017 | 158 views

13,April,2017(SofoNews) Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya uu magacabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin waxaa laga dhursugayay imaanshihiisa magaalaad Muqdisho waxaana lafilayaa in maanta saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho ayadoo ay jirto qaban qaabo ku aadan soo dhaweyntiisa.

Guddoomiyaha cusub ayaa ka imaanaya magaalad Nairoobi ee xarunta dalka Kenya,Taabid Cabdi ayaa ahaa safiir kuxigeenklii safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka wuxuuna ka soo amba baxay halkaasi maalmo kadib magacaabistiisa.

Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in uu sirasmi ah xilka ugala wareego guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaala.

How;laha adage e horyaala Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa kamid ah sugidda amaanka caasimadda, howlaha horumarinat adeegyada bulshada iyo kuwo kale.

Like it? Share it!