Guddi ka shaqeeya horumarinta Soomaalida Koonfur Africa oo la abaalmariyay

by Hassan Ali | Sunday, Oct 30, 2016 | 216 views

30,Oct,2016(SofoNews) Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Guddiga Himilo ee qabtay shirkii Soomaalida South Africa ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Johannesburg ayaa waxaa lagu qabtay habeenkii xalay ahaa masjidka imaamu shaafici ee ku yaala xaafada Mayfair oo Soomaalida dagan tahay.

Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay hey’ada Culimada al bayaan ee dalka koofur africa waxaana ay u garteen in guddiga soo agaasimay shirkii himilo ee looga hadlayay dhibaatooyinka Soomaalida South Africa iyo sidii ay isugu keeneen Guud ahaan Qeybaha kala duwan ee Soomaalida iyo ururada ka shaqeeya arimaha bulshada Soomaalida ku nool Koofur Africa.

Gudoomiyaha golaha Fulinta ee hey’ada culimada Al bayaan Sheekh Maxamuud Adar ayaa ka hadlaya sababta ay u doorteen in guddigaan ay siiyaan shahaadooyin lagu dhiiri galinayo .

C/laahi Axmed Fiidoow Xabeeb Gudoomiyahii guddiga Himilo ee shahaadooyinka dhiiri galinta ahaaa la siiyay ayaa ka mahad celiyay .

Dr Sheekh Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah Guddiga Culimada Al bayaan ayaa soo xeray munaasabada waxaana uu sheegay in kooxda himilo ay qabatay shaqo wanaagsan bulshadana looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan danaha guud iyo masaalixda Caamka ah.

Guddiga Himilo ayaa qabtay shirkii Soomaalida South Africa oo tdobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada Johannesburg kaa oo loogu magac daray midnimo 1 waxaana xilliga ay ku wareejiyeen guddi cusub oo shaqada halkaas ka wadi isla markaana shirka labaad ee midnimo 2 kusoo diyaarin doona muddada lixda bilood ah ee soo socota.

Like it? Share it!