Gudddon baarlamanka HirShabeele oo xal ka gaaraya mowshin ka dhan ah madaxweynaha

by Hassan Ali | Sunday, Feb 26, 2017 | 140 views

26,February,2017(Sfonews) Wefdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha barlamaanka dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa maantay gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta maamulkaas isagoo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Qeybo ka mid ah gobolkaas.
Xili uu warbaahinta kula hadlayay Guddoomiyahe Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa uu ka codsaday maleeshiyaad ku dagaallamay dhawaan deegaanno hoos taga Gobolkaas in ay joojiyaan dagaallada i nabad iyo Nolol loo gaaro.
Dagaalkasi oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaano katirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana soconaya dadaalo nabadeed.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan ay si rasmi ah u billaaban doonaan howlaha shaqo ee horyaalla baarlamaanka Hirshabeelle.
Waxaan uu sheegey in xal laga tabashooyin ka dhashay qaab dhismeedka golaha wasiirda maamulka HirShabeele.

Like it? Share it!

Leave A Response