Goobtii doorashada loo qorsheeyey oo laga wareejiyay

by Hassan Ali | Sunday, Feb 5, 2017 | 142 views

5,February,2017(SofoNews) Inkastoo uu jiro tuhun weyn ayaa hadana waxaan sirasmi ah loo xaqiijin Karin sababta dhabta ah ee ka dambeysay wareejinta goobtii loo asteeyeey in doorashadu ay ka dhacdo ayaa wararku waxay sheegayaan in laga weeciyay meeshii loo qorsheyeey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in musharixiinta ay walaac ka muujiyeen xarunta iskuul polisiya oo doorashada loo qorsheyeey, balse guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa Faah-faahin ka bixiyay Sababta Doorashada loogu Wareejiyay Afisiyoone  islamarkaana looga badalay Halkii horay loogu Qorsheeyay in ay ka dhacdo oo aheyd Iskuul Bulisiya ama Akadeemiyada Booliska ee Gen Kaahiye.

Guddoomiye Beyle ayaa sheegay in Markii horaba ay Labada Meelood ahaayeen A, B islamarkaana hadda la isku raacay in Doorashada Madaxweyne ee la filayo in ay dhacdo Arbacada soo socota in lagu qabto Afisiyoone.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Guddoomiye Beyle in Musharaxiinta intooda badan ay soo jeediyeen in Doorashada laga wareejiyo Gen Kaahiye,iyadoo Guddiga Qaban qaabada Doorashada iyo kan ka hortagga Musuq Maasuqa ay ku raaceen soo jeedinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa la sheegay in ay Sabab u yihiin in Doorashada halkeedii hore laga Wareejiyo,iyagoo ku doodaya in ay dhici karto wax isdaba marin iyo Musuq Maasuq lagu sameeyo Doorashada.

Hadal haynta ugu badan ee magaalaad Muqdisho ayaa ah loolanka adage e xaagga siyaasadda ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho lamina saadaalinkaro qofka ku soo bixi doona doorashada maadaama ay sharaxanyihiin ilaa 24 musharax.

Like it? Share it!