Golihii wasiirada iyo gudiyada Hirshabeele oo la dhisayo

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 251 views

29,Oct,2016(SofoNews) Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gabogabo ah ay marayso dhameeystirka xubnaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo lahadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ku aadan dhameeystirka howlaha Guddiyada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dowlad Gobolleedka si looga qeyb geliyo dhamaan bulshada deegaanada maamulkaasi ka soo jeedda.

Sheekh Cismaan Barre ayaa tilmaamay in guddi qiimeyn ay u direen deegaannadii dhawaana ay ka baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Ethiopia.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay Xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in ay ka jawaabto difaaca iyo dib u xoreeynta deegaannadii ay dhowaan ka baxeen Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo u badan deegaanno kuyaala Hiiraan halkaasi oo maleeshiyada arxanka daran ay ku dhibaateeynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response