Gobolka Gedo oo lagu qabtay gaari hub u waday Shabaab

by Hassan Ali | Thursday, Dec 29, 2016 | 173 views

29,December,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ay halkaas ku qabtay gaari xamuul ah oo la sheegay inuu qalab kala duwan u waday  Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada amaanka  maamulka degmada Luuq ayaa sheegay in gaarigan uu ka yimid degmada Doolow, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo kaasi oo ay saarnaayeen hub iyo saanad ciidan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga oo laga shakiyey markii la baaray laga helay Kaartoono ay ku jireen dareyska cagaaran ee lagu yaqaano ururka Al-Shabaab, dawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada iyo waxyaabo kale.

Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay darawalkii gaarigan waday oo magaciisa lagu sheegay Cali Afartan, iyadoo darawalku sheegay in rag ganacsato ay u soo dhiibeen si uu gaarsiiyo degaano ku dhow Baydhabo uusana waxba kala socon qalabkan iney leeyihiin Al-shabaab iyo in kale.

Howlgalo ka dhan ah Alshabaab ayaa ka soconaya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayadoo maal mihii la soo dhaafay dagaalo ay ka dheceen qeybo kamid ah gobolka Bay.

Like it? Share it!

Leave A Response