Garaadka raggii hore. (Sheeko-Sheeko)

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015 | 1901 views

Ninbaa beri waxaa lagu yiri hebeloow naagtaadu maaha fariidoo, xoolaha waa dayacdaa arigana maalinkasta dawacaa neef ka qaata, waagi hore nin naagtaadu waa xuntahay la yiraa uma dhineeyne ninki durba waxaa uu ku dhaqaaqay siduu arintaas u ogaan lahaa bal in naagtiisu sida laga sheegayo tahay iyo in kale, gabadhu meel kale ma La,eyne kaliya waxay ahayd mid fadhiga iyo haasawaha iska jeceloo aan halna sidaas u dhiifooneyn, hal ri haddey u muuqato waxay u moodaa in arigu wada dhanyahay muqaalka halka ri ayaanay iska fiirsataa, ninki yaa subax xaaskiisi u yimid waxuuna u sheegay in cidu beri geedi tahay oo la rarayo sidaas darteed uu awrta soo dhaweynayo, gurigana kusoo agdabrayo, ee ay ka warqabto si anay u dhaqaaqin, aqbalka laguma gaarine waayahay xaaji anaad igu ogtahay beey tiri, wuu baxay ninki awrti ayoowna koorihi kasoo wada furay, waxuuna soo suray geedo aan guriga ka dheereyn oo la maqlayo, dantiisu waa in uu si sahlan ku ogaado waxa ay xaaskiisu tahay, intaa ka dib wuu iska baxay odagi tuulada ayowna iska aaday, gabadhi maalinti oo dhan waa mid koorta u dhegtaaga se aan hubsan waxa kooraya iney awrti yihiin iyo in kale u tegi mayso oo halmar dareemi mayso koorta aan wax dhaq dhaqaaqa sameyneyn, allow mala helyay, wixi waqtigu is guruba habiin bey noqotay, odagina tuuladi ayow kasoo laabtay, xaaskiisi ayow u yimid si degan ayowna u waydiiyay bal iney awrti ka war qabto, durba waxay u sheegtay in awrti meeshow saaka kusoo dabray ay weli daaqeeyso oy iska xasilantahay, waxanay ugu sii dartay in aysan beriga shaqa aan awrta ahayn aysan qaban, birimo naagahaantaas waa kugu ogaay ayow yiri ee salaad ayaan iska baxaahe bal awrta noo keen si aan u xiro cida waaberigi ayaan rari lahaaye, waxaa uu doonaya uun in gabadhu indhaheeda kusoo aragto casharka asu u dhigay, iyo siduu goolka uga dhaliyay, fag ayeey tiri se halkey awr ka fileysay waxay ugu tagtay geeda kooro suranyihin, waa isku qaracantay waxay aragtay, in beriga la gaaday lagana badshay odagina raali gelin beey kula soo noqotay, wuu ka aqbalay una sheegay ujeedki uu arintaa ka lahay gabdhina kuwaana qaadatay, oo filkeed ayeey tartan la gashay wixi berigaas ka danbeeyay,

Su, aal ma jiraa maanta nin somaaliyeed ee garaad kaas leh sidaa fududna xaaskiisa tijaaba nuucaas ah ugu sameyn kara haddii shaki galo, asigoon maseyrin ama xaaskiisa iska dilin ama aan iska furin, shaqsi ahaan maya ma jiro, ee bal adna kaalay.

 

W/QCabdi Nuur Wadani

Like it? Share it!

Leave A Response