Galmudug iyo Puntland oo iska kaashanaya Amniga Gaalkacyo

by admin | Tuesday, Jul 18, 2017 | 85 views

18 July 2017 (Somalia Focus) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dhawaaqay abuuridda ciidamo isku dhaf ah oo ka kala imaanaya labada maamul kuwaasi oo ka wada shaqeynaya amniga deegaanka. Qyb ciidan ah oo ka kooban 50 askari oo ka kala imaanaya labada dhinac ayaa saldhig ka sameysanaya xadka xilli labada maamul goboleed ay raadinayaan xalinta xiisado soo laab laabtay.

Kuxigeenka hogaamiyaha maamulka Puntland abdihakim Abdullahi iyo Maxamed Xaashi oo isna ah kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan labada dhinac ka socoda la tababaridoono islamarkaasina la geeyn doono xadka.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay tababari doonaan ciidamada amniga kawada shaqeynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response