Gadoodkii ciidamada oo qal qal ku keeney Xaaladda amaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 21, 2016 | 170 views

21,December,2016(SofoNews) Amaanka deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa walwal laga muujinaya Kadib markii ay ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo gadoodsan ay shalay la wareegen saldhigyo dhowr oo Shabeelaha dhexe ah waxaana haatan  soo baxaya digniin ku aadan inaan la qalqal galin amaanka gobolka si ay u sii ahaato mid nabad ah.

Mas’uuliyiin katirsan mamaulka gobolk Shabeelaah Dhexe ayaa sheegey in looga baahanyahay ciidamadu in aysan sameyn qal qal gelin dhanka nabad geliyada ah ayagoo xusay in dowladda Soomaaliya laga doonayo bixinta mushaaraadka ciidanka.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kuwa ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Shalay la wareegay Fariisimo dhowr ah oo ku yaalla Gobolka,kuwaas oo Mushaar la’aan ka cabanaya.

Ma’ahan oo kaliyah gobolka Shabeelaah Dhexe goobaha arrimahani ay ka dheceen dhawaan ayaa magalaad Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka dhacday falkan lamid ah kadib markii ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xaruntii bandhiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeya in aysan bixinin musharaadka shaqaalaha iyo ciidamada ayadoo ay jiraan dhowr bilood kadib in wax xoogaha ay helaan.

Like it? Share it!

Leave A Response