Gabon waxaa loo doortay martigelinta Koobka Qaramada Afrika 2017

by admin | Thursday, Apr 9, 2015 | 852 views

Gabon ayaa loo doortay in ay martigeliso koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2017 kaddib codeyn ay sameeyeen gudigga sare ee xiriirka kubadda cagta Afrika kulan ka dhacay Qahira.

Waxay noqoneysaa markii labaad oo ay martigeliso Koobka. Dalka Gabon ayaa dhaca Galbeedka dhulka xeebta ee Africa waxaana ay horey howshan ula wadaageen Equatorial Guinea.

Dalka Libya oo horey u martigeliyay ayaa hadda la daalacaya dagaalo oo hakiyay howlaha kubadda cagta. Gabon ayaa isticmaalidoonta afar goobood si ay ugu dheelaan 16 ka kooxood ee ka qeybgalaysa tartanka kuwaasi oo la ciyaaridoono bilaha Janaayo iyo Febraayo.

Xiriirka kubadda cagta ee Gabon ayaa sheegay in garoomada ay diyaar ahaandoonaan ka hor inta aan bilaaban kulamada wareegga.

Like it? Share it!

Leave A Response