Gabar 3 sano jir ah oo lagu toogtay Yugandha iyo baadi goob loogu jiro

by Hassan Ali | Friday, Mar 24, 2017 | 114 views

24,March,2017(SofoNews) Magalaad Kampaala ee xarunta dalka Yugandha iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ka soconaya howlgalo ay wadaan Ciidanka Booliska dalka Uganda oo baadigoobaya afar ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta arintani ka dambeysay waxaana sidoo kale Askartaasi ayaa lagu eedeynayaa inay dhaawaceen hooyadii dahshey gabadhaasi sida ay sheegayaan goob joogayaal ayadoo arrintani ay ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Mityana ee bartamaha dalka Uganda .
Afarta askari ayaa waxaa la sheegay in xiliga ay dilka dhaawaca geysanayeen aysan shaqo ku jirin, mana cadda sababta ka dambaysay toogashadaasi.
Saraakiisha laamaha amaanka dalka Yugandha ayaa falkaasi ku tilmaamay mid si aad looga xumaado, waxayna sheegeen inay bixin doonaan kharashaadka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah.
Shacabka kunool dalka Yugandha ayaa su’aalo iska weydiinayan sababta ka dambeysa dilka loo geystay gabar 3 sano jir ah islamarkaana hooyadeed loo dhaawacay, taasi oo fajiciso kunoqotay daka reer Yugandha.

Like it? Share it!