Gaari qarax siday oo magaalaad Cadaado lagu qabtay

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 76 views

19,March,2017(SofoNews) Kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka Galmdug ayaa lagu soo qabtay gaari laga soo buuxiyaya waxyaabaha qarxa oo lagu arkay xaafado kamid ah magaalad Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Ilo wareedyo laga helayo Saraakiisha Nabadsugidda Galmudug ayaa sheegay in gacanta lagu haayo labo qof oo gaarigaas la socday, waxaana ay tilmaameen in Al-Shabaab ay dooneysay in gaariga qaraxa ku weerarto degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga qaraxa siday uu ka yimid deegaanka Galhareeri oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen inuu soo maray gaariga deegaanada ay gacanta ku heysto Ahlusuna.
Illaa labo gaari ayaa la sheegay in la isku bedelay qaraxa, waxaana gaadiidkii markii hore qaraxa ka soo qaaday Galhareeri uu gaari kale ku wareejiyay markii uu soo gaaray inta u dhaxeysa deegaanada Godinlabe iyo Mareer Gur.
Al-shabaab ayaa haatan waxaa ay adeegsanayaan farsamooyin ay ku weerarayaan xarumaha dowladda ayadoo inta badan adeegsanaya gaadiid laga soo buuxiyo waxyaabaha qaraxa.

Like it? Share it!

Leave A Response