Gaalkacyo oo weli ay isku horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay

by Hassan Ali | Monday, Nov 7, 2016 | 217 views

7,November,2016(SofoNews) Ilo wareedyo ay SomaliaFocus ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta  xaaladda Magaaladaasi ay tahay mid degan.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ku dagaalamay  markale Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray in kabadan 20 ruux oo dhimasho ah halka tiro intaasi kabadana ay ku dhawaacmeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in wali ay socdaan dadaalada xalka loogu raadinayo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo waxgaradka labada dhinac iyo culumadu ay howshaasi isku xil saareen.

Waxaa isi sootaraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinaayo maamulada galmudug iyo puntland.

Waxaanu dhaqan gelin heshiisyo nabadeed oo ay horey u kala saxiixdeen madaxda Galmudug iyo Puntland, waxaan jira dad badan oo ka barakacay magalaadaasi kuwaasi oo ku biiray qoysas kunool duledyada magaaladaasi.

 

Like it? Share it!