Gaalkacyo oo maanta xisado colaadeed ay ka taagan yihiin

by Hassan Ali | Saturday, Dec 24, 2016 | 301 views

24,December,2016(SofoNews)Wararka ka imaanaya magalaad Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug  Saaka ka jirta Magaaladaasi.

Arrintani ayaa ka dambeysay ka dib Dagaal Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo dhimasho iyo dhaawac Sababay kaasi oo labada dhinac u dhexeeya.

Ilo wareedyo ayaa sheeegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaalada geeyeen Ciidamo aad u badan,iyadoo laga Cabsi qabo inuu Dagaal dhexmaro Labada dhinac.

Shacbka magaaladaasi ayaa walaac ka muujinaya xiisadahani oo soo noq noqday, dagaaladii dhawaan halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ay saameeyeen kumanaan qoys oo qaar kood weli guriyohooda aan ku soo laabanin cabsi darted.

Dhawaan  ayey aheyd markii Maamulada Galmudug iyo Puntland ku Heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo,iyadoo sidoo kale uu dhowr jeer dhacay Dagaal Labada dhinac dhexmaray.

Like it? Share it!