Fiidnimo Wanaagsan Erayo Siyaasadeesan oo Cusub. (Sheeko-Sheeko

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015 | 1413 views

1- Haduu qof ku dhaho ”Gaaska badan igadaa” wuxuu ka wadaa ”Faanka badan igadaa”.
2- Haduu qof Yurub degan uu ku dhaho ”Bishaan Amisom ma aanan qaadan” waxa uu kawadaa ”Bishaan Ceyr ma aanan qaadan”, Waad fahmi kartaa Amisom waa ciidamo Ajaanib ah oo Dalkeena ceyr ka qaadata howl la’aan.
3- Qof haduu ku dhaho ”Haye Madaxweyne!” wuxuu ka wadaa ”Haye ina Adeer”, sababtoo ah qolo walba nin ina adeerkood ah ayay Madaxweyne isaga magacaawdeen.
4- Qof haduu ku dhaho ”Heblaayo Xildhibaanad ayay noqotay” wuxuu ka wadaa ”Heblaayo qof lagu qasaaray ayay noqotay”.
5- Qof haduu ku dhaho ”Shariif ayaad isku badashay” wuxuu ka wadaa ”Laqdabo miiran ayaad isku badashay”:
6- Qof haduu ku dhaho ”Qof Hebel Kenya ayuu igu noqday” wuxuu ka wadaa ”Qof hebel Xoollaheyga ayuu igu heystaa”.
7- Hadiise lagu dhaho ”Askari baad tahay” waxaa laga wadaa ”Qof baahan oo howl kar ah ayaad tahay”.
8- Hadii aad warqad qof u geysid kadibna lagu dhaho ”C. C. C. Sharmaake iyo C/raxmaan Cabdishakuur ayaa warqadaan ka maqan” waxaa laga wadaa ”warqadaan Saxiix ayaa ka maqan”.

W/Q Ahmed Kadiye

Like it? Share it!