Farmaajo oo safarkiisi ugu horeeyeey uga amba baxay dalka

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 118 views

23,February,2017(SofoNews) Wefddi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farnmaajo oo ay kamid yihiin qaar kamid ah xubnaha labada gole,wasiiro , taliyaha ciidanka Booliiska iyo masuuliyiin kale ayaa maanta u amba baxay dalka Sucuudiga.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ka dambeeyeey markii uu casuumaad rasmi ah ka heley amiirka dalka Sucuudiga.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in wadanka baqortooyada Sacuudiga uu kula kulmo madaxda ugu sareysa dalkaasi ,iyagoo isla soo qaadi doona arimaha dalka Soomaaliya,gaar ahaan sida gacan looga geysan karo dib u dhiska Soomaaliya iyo .ka hortagga argagixisada iyo iyo guud ahaan horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu dalka uga baxo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynnaha.
Waxaa lafilayaa marka uu dalka dib ugu soo laabto madaxweynaha in ay dhacdo magacabista golaha wasiirada oo siweyn loo sugayo

Like it? Share it!