Farmaajo oo ku soo biiray ololaha doorashooyinka

by Hassan Ali | Tuesday, Dec 20, 2016 | 160 views

20,December,2016(SofoNews) Maxamed C/llaahi Farmaajo ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweyeey Muqdisho ayaa siweyn uga hadlay yoolkiisa siyaasadda iyo musharaxnimadiisa.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa magalaad Muqdisho ayaa waxaa uu uga horeyn uga mahad celiyay shacabkii iyo mas’uuliyiintii ku soo dhoweysay garoonka iyo waddooyinka, isagoo xusay inuu Xamar u yimid inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, tartanka dhici doona dhowaan.

Farmaajo ayaa sidoo kale hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sanad-guurada 73aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay.

Musharax Farmaajo ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne inay ku kalsoonaadaan Xildhibaanada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay matalaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo fariin u diray Musharaxiinta aadaya dalalka dibada ee taageerada ka raadinaya dowladaha shisheeye.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho dhaq dhaqaaqyo ay ugu diyaar garoobayeen soo dhoweyntiisa, waxaana dadkii faraha badnaa ee maanta soo dhoweeyay ay ku sugayeen banaanka garoonka diyaaradaha, kaddib markii loo diiday inay gudaha u galaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response