Farmaajo oo guuleystay iyo dabaal degyo oo soconaya

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 86 views

8,February,2017(SofoNews) Waxaa Dabaaldegyo waaweyn ka soconaya gobolada dalka Soomaaliya iyo guud ahan magalaad Muqdisho taasi oo lagu soo dhaweynayo guusha taariikhiga ah uu gaaray madaxweynaha cusub max,ed C/laahi Farmaajo.
Rasaas xooggan ayaa magaalada gees ka gees isqabsatay ayaa hawada loo ridayaa taasoo qeyb ka ah dabaaldega socda, iyadoo dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen caawa wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadka isugu soo baxay jidadka ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqata farxad aan qiyaas laheyn iyagoo ku qeylinaya magaca Farmaajo, waxaana aad u kacsan xaalada magaalada.

magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya banaan baxyo balaaran oo ku aadan taageerada madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa sameeyay tanaasul, kaddib markii uu Farmaajo helay cododka ugu badan, taasoo xataa aanu u suura geli laheyn, hadii uu tartamo wareeg saddexaad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo sheegay in farmaajo uu wareega labaad uu helay 184, halka Xasan Sheekh uu helay 97, Sheekh Shariif ayaa isna helay 46 cod.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku dhiiraday inuu sameeyo tanaasul, maadaama uu arkay inuusan wareega saddexaad ka guuleysan karin.

Hoolka doorashada Madaxweynaha ayaa lagu dhaariyay Madaxweyne Farmaajo kadib markii uu tanaasulay wareegii saddexaad Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalooyinka dalka ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas ay ciidamada sare u ridayaan iyadoo dabaaldegyo ay ka bilowdeen dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response