Fal celinta Kenya oo Amni xumo keeneysa, Shirkado iyo Ganacsato xayiraad lagu soo rogay

by admin | Thursday, Apr 9, 2015 | 419 views

Gudoomiyaha Guddigga Difaaca Baarlamanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xusay in tilaabooyinka ay qaaday dowldda Kenya ay keenayaan amni xumo hor leh.

Hadalkiisa waxaa uu imaanaya saacado kaddib markii la shaaciyay magacyada 13 shirkadood oo xaawalado u badan iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed ganacsato ah kuwaasi oo Kenya ay ka xinibtay Xisabaadkooda wadankaasi.

Shirkadaha waxaa kamid ah shirkadda Dahabshil oo ay aad u adeegsadaan Soomaali badan oo gudaha iyo dibadda ku nool waxaana kenya ay ku eedeysay shirkadahan in ay xiriir la leeyihiin Xarakada al-shabaab.

Xuseen Carab Ciise, gudomiyaha gudga difaaca ayaa tilmaamay in dhaqaale xumada ay asal u tahay degaalada iyo ficilada amni xumo isagoo tusaale u soo qaatay tilaabooyinka Kenya ay qaaday.

Kenya ayaa dhowaan sheegtay in ay ka aar gudan doonto al-shabaab iyo soomaalida kaddib weerrar xanuunbadan oo ka dhacay magaalada Garissa.

Like it? Share it!