Faah fahin ka soo baxaysa Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Jowhar

by Hassan Ali | Monday, Mar 20, 2017 | 74 views

20,March,2017(SofoNews)  Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Bam gacmeed lagu weeraray guriga uu magaalada Jowhar ka dagan yahay nabadoon Shiiq Muuse oo ka mid ah nabadoonada caanka ka ah Magaalada Jowhar.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in Bamkaasi uu Sababay dhimashada hal ruux iyo dhawaaca ruux kale oo ka tirsanaa ilaalada Nabadoonka la weeraray , ayadoo magaladaasi Jowhar lagu aasaey marxuumka ku geeriyooday weerarkaasi.
Weerarka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamadda amaanka ayagoo howlgalo halkaas ka fuliyey mana jirin cid loo soo qabtay weerarka.
Tan iyo markii maamulka HirShabeele uu xarun ka dhigtay magaalada Jowhar ayaa waxaa jirey weerar loo adeegsanayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacayay halkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response