Faah faahin ku saabsan dilal kaladuwan oo xalay ka dhacay Muqdsiho iyo duledkeeda

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 104 views

9,March,2017(SofoNews) Falalkani kala duwan ayaa xalay ka kala dhacay gudaha iyo dibadda Muqdisho kuwaasi oo ah dialal loo geystay askari katirsan nabadsugidda Somaaliya iyo mid kamid ah ergadii soo xushay baarlamanka Galmudug.
Mid kamid ah falalka dilalka ah ayaa loo geystay askari katirsan ciidamada nabadsugidda Soomaaliya kadib markii ay is maan dhaafeen askari kale oo katirsan militariga Soomaaliya waxaana uu falkaasi ka dhacay nawaaxiga aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
Dilalka kale ayaa ka dhacay degmada Yaqshiid iyo deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho iyadoo la diley mid kamid ah guddoomiye waaxeedyada magaalada Muqdisho oo lagu magacabijiray Xasan Maxamuud Taakow oo kusugna degmaad Yaaqsdhiid iyo qof la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii ka qeybgashay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Galmudug oo magaciisu lagu soo koobay Cabdulaahi Kaba-weyne .
Ma jirto illaa iyo hadda cid loo qabtay falalka dilalka ah iyadoo sidoo kale dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dilal qorsheysan ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.
Howlgalo kaladuwan oo ay wadaan ciidamada amaanka ayaa ka soconaya goobihii ay falalkaasi dilalka ah ay ka dheceen waxaana baxsaday dhamaan dadki falalkaasi geystay

Like it? Share it!

Leave A Response