Faah faahin ku saabsan dab qasaare dhaliyay oo ka kacay suuqa Bakaaraah ee Muqdisho

by Hassan Ali | Monday, Feb 27, 2017 | 134 views

27,February,2017(sofoNews) Inta la ogyahay 2 qof ayaa la sheegey in ay ku dhimatay, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay dabkaasi, Dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha wuxuu kaleoo qasaaraha nafeed kasokoow ka dhashay qasaaro maaliyeed oo aad u badan, waxaana dabkaasi oo soccday in ka badan 5 saacadood ku hanti beelay ganacsato badan.
Waxaa durba goobtaasi gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah kuwaasi oo ka qeyb qaatay deminta debkaasi wuxuuna dabka fu faafay qeybo badan oo suuqaasi kamid ah.
Gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa dadaal saacado badan qaatay kadib ku guuleestay in ay damiyaan dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha , waxaa sidoo kale daminta dabka iyo sugitaanka amaanka gacan weyn ka geestay ciidanka dowlada.
Dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii ugu qasaaraha badnaa suuqaasi soo mara, waxaana marar badan Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya qabsaday dab dhaliyay qasaaro kala duwan.
ganacsatadii ku hanti beeshey dabkaasi ayaa waxaa ay bulshada Soomaliyeed u soo jeediyeen baaq ku aadan in dadkaasi loo gurmado.

Like it? Share it!

Leave A Response