Faah faahin ka soo baxaysa dagaal xoogan oo Alshababa ay ku qaadeen Baraawe

by Hassan Ali | Thursday, Mar 23, 2017 | 122 views

23,MArch,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al-shababa ay xalay weerar xoogan ay ku qaadeen degmada Baraawe halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.
Dagaalkaasi ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisi kaladuwan kaasi oo geystay qasaare labada dhinacba leh.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabki xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay ku daba jiraan raadkooda.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay ka gubeen ciidanka dowladda labo gaari, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda.
Ciidanka AMISOM ayaa saldhig ku leh duleedka magaalada Baraawe iyo halka looga galo, waxaana gudaha magaalada ku sugan ciidamada dowladda.
Alshababa ayaa muddooyinkan sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah xarumaha ciidamada dowladda ay joogaan.

Like it? Share it!

Leave A Response