Faah faahin ka soo baxaysa dagaal qasaare dhaliyay oo ka dhacay Mudug

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 15, 2017 | 145 views

15,February2017(SofoNews Waxaa tafaasiil dheeraad ah ka soo baxaya dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel Cabdi iyo Camaara oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo dagaalkan uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.
Ilo wareedyo laga helayo goobta dagaalka yaaa ku waramaya in dagaalkaasi uu dhacay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamada ku sii jeeday degmada Xarardheere oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab waxaana wararku ay sheegayaan in ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu hal askari kaga dhintay, halka saddex kalena ka dhaawacmeen, haatana xaalada deegaanka ay degan tahay.

Ujeedada howlgalka ayaa ah in Alshabaab laga saaro degmada Xaradheere oo ay ka taliyaan in muddo ah taasi oo kutaala meel istraatiiji ah.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay kaga hor-tagayaan duulaanka ku soo wajahan, waxaana barakac ka socda deegaano ka tirsan degmada Xarardheere.

Dagaalkani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Ciidamada huwanta ayaa maalin ka hor la wareegay deegaanka Camaara iyo deegaanka Bacaad-weyn oo katirsan gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response