Faah faahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose

by Hassan Ali | Friday, Feb 3, 2017 | 204 views

3,February,2017(SofoNews) Wararkii ugu dambeeyey oo laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose aya sheegaya in Alshabaab ay dib uga bexeen deegaanka Muuri ee gobolkaasi oo xalay ka dhacay weerar ay Shababa ku soo qaadeeen.

Dadka deegaanka ayaa ayaa sheegay in Al-Shabaab ay deegaanka la wareegtay, iyadoo ciidanka dowladda ay dib ugu gurteen degmada Afgooye bals egoor dambe ay Shababa isaga bexeen kadib markii ciidamo gurmad ah ay halkaasi gaareen

Majiraan wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxaya saraakiisha dowladda eek u aadan weerarkaasi ayadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo Shabaab ay weeraro ku soo qaadaan fariisimada ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose..

Majiraan wax qasaare oo soo kala gaaray oo la sheegi karo maadaama aanay jirin cid ka warbixisay ilaa iyo haatan dagaalkaasi

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen xeryaha ciidamada, todobaad ka hor ayay aheyd markii ay weerareen deegaanka Kulbiyow oo ay saldhig ku lahaayeen ciidanka Kenya

Arrintani ayaa u muuqata mid ay Alshabaab ku muujinayaan in weli ay sameyn karaan weeraro ayadoo dhanka kale uu jiro howlgal looga saarayo guud ahaan dalka.

 

Like it? Share it!