Faah faahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay Afgooye

by Hassan Ali | Friday, Dec 30, 2016 | 135 views

30,December,2016(SofoNews) Waxaa tafaasiil dheeraad ah ay ka soo baxaysa weerar ay ururka Alshabaaba ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaah Dhexe kaasi oo qasaare geystay.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta gobolka Sh/Hoose Nuur Xayir ayaa sheegay in ciidamadu ay qasaaro u geysteen Shabaabkii weerarka soo qaday inkastoo anay jirin wax war ah oo ka soo baxay Alshabaaba.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen sadex ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo dhaawac ah, kuwaasoo u geeriyooday dhaawacaasi kaddib markii ay dhiig baxeen, sida uu yiri.

Saraakiish afgooye ayaa dhankoodi sheegnaya in aanay jirin wax qasaare ah oo uu ka soo gaaray weerarkaasi, ayadoo haatan ay tahay xaaladdu mid degan.

Degmada Afgooye ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro kuwan lamid ah oo ay soo qaadeen  Shabaab, mudo todobaadyo laga joogo ayaa weerar kaasi lamid ah lagu soo qaaday degamadaasi kaasi oo dhaliyaay qasaare xoogay islamarkaan loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas toos ah.

Like it? Share it!

Leave A Response